(Sawirro) Muxuu Laftagareen kala hadlay Gudiyada Doorashooyinka Koonfur Galbeed?

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa caawa Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo waxa uu kulan isugu jiray Casha-sharaf iyo kala Warqaadasho ugu sameeyay Gudiyada hirgalinta Doorashooyinka iyo ku xigeenka kowaad Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Laftagareen ayaa ku amaanay Gudiyada hirgalinta Doorashooyinka shaqada culus ee ay hayaan, isagoo ku booriyey iney dedaalkooda halkaas ka sii wadaan.

Xubnaha Gudiyada hirgalinta Doorashooyinka ayaa dhinacooda warbixin ka siiyey Madaxweyne Laftagareen halka ay marayaan howlaha ay hayaan, iyagoo balan-qaaday iney ku dedaali doonaan sidii ay qaban lahaayeen doorasho hufan.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa soo saaray maanta liiska Tartamiyaasha Aqalka Sare Baarlamaanka Soomaaliya oo ka kooban 10 Musharax, iyadoo guddiga doorashada koonfur galbeed ay shaaciyeen jadwalka doorashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -