Dagaal ay ku dhinteen dad ka badan 40-qof oo maanta ka dhacay deegaanka Dhumay

Waxaa maanta Deegaanka Dhumay oo qiyaastii 45 kiilo mitir xagga koonfur galbeed kaga beegan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ka dhacay dagaal dhiig badan ku daatay.

Dagaalka oo u dhaxeeyay labo maleeshiyo beeleed ayaa saakay ka qarxay deegaanka Dhumay, waxaana dagaalka galab dhicii u qaboobay si iskiis ah kadib markii ay isku daaleen dhinacyadii dagaalamay.

Guddoomiyaha gobolka Sool, Cabdirashiid Xuseen Cabdulle oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dagaalka saakay ka qarxay deegaanka Dhumay ay ku dhinteen dad ka badan 40-qof halka ay ku dhaawacmeen dad ku dhaw 100-qof oo kale.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in isbitaalada magaalada Laascaanood la keenay dhaawacyo badan oo labada dhinac ee dagaalamay iyo dad shacab ah, waxa uuna codsaday in gurmad lala soo gaaro isbitaalada oo daawadu ku yartahay.

Dagaalka labada maleeshiyo beeleed maanta dhax maray ayaa la isku adeegsaday hubka culus ee gaadiidka ku xiran, waxaana jirta cabsi laga qabo in dagaalka in mar kale dib u qarxo kana dhashaan khasaaro kale.

Waxgardka gobolka Sool iyo maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalka dhiiga badan ku daatay ee maanta ka dhacay Deegaanka Dhumay ee hoostaga magaalada Laascaanood.

Labada Maleeshiyo beelood ee maanta dagaalamay ayaa horey waxaa sidan oo kale u dhax maray dagaalo xoogan oo laga heshiiyay, lamana oga waxa dib usoo celiyay dagaalkan mar kale ka dhax qarxay labada maleeshiyo beelood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -