Allbanaadir.com
NEWS

Biden oo ku guuleystay magacaabista musharraxa xisbiga Dimuqraadiga iyo Trump oo …

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa xalay ku guuleystay magacaabista musharraxa madaxweynaha ee xisbiga Dimuqraadiga uga qeybgali doonaan doorashada madaxweynaha ee bisha Novermber, halka madaxweynihii hore ee Donald Trump uu ku socdo waddadii uu ku xaqiijin lahaa magacaabista xisbiga Jamhuuriga.

Biden waxa uu la kulmay mucaarad magac u yaal ah, si uu u noqdo musharraxa Dimuqraadiga, waxaana uu xalay ka gudbay tiradii ergada ee looga baahnaa oo aheyd 1,968, sida ah qortay Reuters.

Dhanka kale, Trump wuxuu kaga adkaaday doorashada xisbi Jamhuuri dhowr musharrax doorashooyinkii hordhaca ahaa, oo ay ku jiraan safiirkii hore ee Qaramada Midoobay Nikki Haley iyo guddoomiyahaa gobolka Florida Ron DeSantis.

Musharixiinta kale, oo uu ka mid ahaa madaxweyne ku xigeenkii hore ee Trump, Mike Pence, ayaa isaga baxay doorahsada bilo kahor sababo la xiriira taageero la’aanta codbixiyayaasha oo sida muuqata intooda badan ay doorbidayaan Trump.

Labada musharrax, Joi Biden iyo Donald Trump ayaa si buuxda u ololeynaya siddeed bilood ka hor doorashada madaxweynaha, iyaga oo midba midka kale ku weeraray fursad kasta oo suurtagal ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Puntland oo xabsiga dhigtay Agaasimihii Hay’adda Socdaalka Soomaaliya u joogay Garawe

Cabdi Cade

Abwaano u goostay Al Shabaab oo ku biiray ciidanka kooxdaas

Caydiid Ali

Qarax labaad oo Muqdisho ka dhacay iyo ninkii ka dambeeyay oo la qabtay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---