Allbanaadir.com
NEWS

Puntland oo xabsiga dhigtay Agaasimihii Hay’adda Socdaalka Soomaaliya u joogay Garawe

Wararka ka imaanaya magaalada Garawe  ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka xabsiga dhigeen Agaasimaha Laanta Lixaad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya u qaabilsan degaannada Puntland Cabdullaahi Cismaan Ismaaciil oo (Fu’aad).

Sida aan wararka ku helnay Xeer Ilaaliyaha guud ee ,maamulka Puntland Axmed Taaran ayaa maxkamadda Garawe kasoo jaray waaranka ciidamada booliiska saakay ku xireen Agaasime Fu’aad.

Ilaa hadda lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa xariga ciidamada ammaanka u geesteen agaasimaha Hay’adda Socdaalka u qaabilsan Puntland, mana jiro ilaa hadda wax war ah oo maamulka Puntland iyo xeer ilaalinta kasoo saareen.

Xariggan ayaa imaanaya xilli magaalada Garawe ka socoto xulista xildhibaannada baarlamaanka Puntland ,sidoo kale wali uu taagan yahay khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamulka Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Tirada Ciidamada ATMIS looga dilay Soomaaliya oo la shaaciyay iyo labo dal oo u badan

Cabdi Cade

Dagaalyahanada Al Shabaab ee lagu qabto Howlgalada Milatari oon Xabsi la geyn doonin

admin

Prof. Geeddi: “Siyaasiyiinta dalkan soo hogaamiyey waa iney hoos u dhigaan Xasarada”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---