Allbanaadir.com
NEWS

Wiil Soomaali ah oo lagu dilay magaalada Sheffield iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Kooxo toorey ku hubesan ayaa magaalada Sheffield ee dalka Ingiriiska ku dilay wiil Soomaali ah , waxaana socda baaritaanno booliiska magaaladaasi wadaan oo ku aadan kiiskan dilka ah.

War kasoo baxay booliiska magaalada Sheffield ayaa lagu sheegay in Sacad Cali oo 24 jir ah u dhintay dhaawac culus oo toorey lagu gaarsiiyay, waxaana ninkan la sheegay in meelo badan oo jirkiisa kamid ah toorey lagu dhuftay.

Madaxa dambi baarista magaalada Sheffield Ben Wood, oo ah sarkaalka sare ee baaritaanka kiiskan, ayaa sheegay in falkan dilka ah uu ahaa mid argagax lahaa, waxa uuna xusay in ay wadaan baaritaanno ku aadan kiiskan dilka ah.

Dalka Ingiriiska magaalooyin katirsan ayaa marar badan lagu dilay dhallinyaro Soomaaliyeed, waxaana dilalkaasi qaarkood ku lug lahaa kooxo gaangistaro ah ay ku jiraan dhallinyaro kale oo Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Yaa Xogta dhinaca amaanka loo geeyaa ma kii Wax dilayay mise kii la dilayay ?

Cabdi Cade

Ciidamada Itoobiya oo dad shacab ah ku laayay Deegaanka Mooyaale

Cabdi Cade

Xassan Shiikh oo xuska 15ka May awgeed Ubax dhigay Taalada SYL (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---