Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Itoobiya oo dad shacab ah ku laayay Deegaanka Mooyaale

Ciidamada Milatariga dalka Itoobiya ayaa dad badan shacab ah ku laayay Deegaanka Mooyaale oo kuyaala xadka ay wadaagaan Dalalka Kenya, Soomaaliya iyo waliba dalka Itoobiya.

Dadka deegaanka Mooyaale ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiya dileen 9-qof oo shacab ah sidoo kale dhaawaceen tiro intaa ka badan kadib markii ay weerar ku qaadeen goob dad shacab ah ku sugnaayeen.

Sida aan Wararka ku helnay ciidamada Itoobiya ayaa la siiyay xog qaldan oo ku aadaneyd in kooxo katirsan Mucaaradka Oromada ay goobtaasi isku uruursanayeen ayna doonayaan in ay weerar ku qaadaan Ciidamada Itoobiya.

Taliyaha Militariga Itoobiya ee aaga Mooyaale ayaa sheegay in ciidankooda dileen dad shacab ah kadib markii ay heleen xog been ah oo la xiriirta in Ururka OLF ee Oromiya ay weerar iyaga ka dhan ah ka fulinayaan halkaas.

Ciidamada Itoobiya ayaa dad shacab ah ku dhibaateeya deegaanada ay joogaan, waxaana ciidankan lagu sifeeyaa kuwa aan naxariis laheyn oo aysan u kala soocneyn shacabka iyo cadowgooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Netanyahu oo ka carooday hadal ka soo yeeray Madaxweynaha Turkiga

Caydiid Ali

Galmudug oo Baaq kasoo saartay Xaalada adag ee ka taagan magaalada Baladweyne

Cabdi Cade

Villa Somalia oo War ka soo saartay kulanka Saddex geesoodka ah ee ka furmaya Asmara

Caydiid Ali
Taboola Ads ---