Allbanaadir.com
NEWS

Qaar kamid ah dadka Isticmaala Tiktok oo wacitaano ku wareeriyay xildhibaanada matela

Baarlamaanka dalka Mareykanka ayaa qorsheenaya ansixinta sharciyo ka dhan ah barta dhallinyarada sida weyn u isticmaasho ee Tiktok, waxaana tallaabadaasi si weyn uga soo horjeeda dadka sida weyn u isticmaala bartaas.

Tiktok ayaana isticmaalayaasheeda ku sugan dalka Mareykanka u dirtay farriimo ay uga codsaneyso in ay wacaan oo la xariiraan xildhibaanada matela, si ay ugu codsadaan uguna cadaadiyaan in ay ka codeeyaan sharciga ka dhanka ah Tiktok.

Farriinta Tiktok ku dirtay dhallinta isticmaasha kaddib ayaa dad badan waxa ay bilaabeen in ay wacaan xildhibaanada ku mateka labada aqal ee dalka Mareykanka, waxa ayna xildhibaanada ku wareeriyeen farriin la xariirta in aysan ka codeyn Tiktok .

Xafiisyada Kongareeska dalka Mareykanka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ay hafiyeen oo lagu wareeriyay wicitaannada dad ka mudaharaadaya sharci la sheegay in lagu mamnuucayo barta Tiktok ee dhallinta sida weyn u isticmaalaan.

Dadka wacaya xildhibaannada matela ayaa la sheegay in farriimo hanjabaadyo ah u dirayeen xildhibaanada qaar, waxa ayna arrintan walaac xooggan ku beertay xildhibaanada wacitaanka lagu wareeriyay.

Xildhibaano badan ayaa la sheegay in ay aad uga caroodeen farriinta Tiktok isticmaalayasahooda uga codsaday in xildhibaanada wacaan, waxaana la sheegay in xildhibaano badan caro darteed laga yaabo in sharcigan ka dhanka ah Tiktok u ansixiyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Shirkii RW Rooble & Musharaxiinta oo lagu Magacaabay guddiyo isku dhaf ah

Caydiid Ali

Digniin Adag oo loo diray Xildhibaan Cabdirashiid Xidig iyo Cabdinaasir Seeraar

Cabdi Cade

Faahfaahin: Ku dhowaad 10 qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay Bacaadweyne

Caydiid Ali
Taboola Ads ---