Allbanaadir.com
NEWS

Toban Danjire oo ay dhawaan ansixiyeen Golaha Wasiirrada oo tababar loo soo xiray (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tababar ku saabsan diblumaasiyadda oo soconayey muddo saddex toddobaad ah u soo xiray toban Danjire oo ay dhawaan ansixiyeen Golaha Wasiirrada Xukuumadda JFS.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay danjireyaasha cusub in iyaga oo khibraddooda adeegsanaya ay wax weyn ka beddelaan muuqaalka siyaasadeed ee Soomaaliya, isla markaana ay dalkeenna u abuuraan saaxiibbo wanaagsan oo siyaasadeed.

“Waxaan u baahannahay in siyaasaddeennu ay ku saleysnaato Soomaali Dunida Heshiis la ah oo danteeda ka shaqeynaysa, lehna siyaasad deggan oo ku saleysan caqli iyo cilmi, waana taas sababta keentay in aan diblumaasiyadda u xulano dad ruug caddaa ah oo leh khibrad”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayey Safiirrada tababarka loo soo xiray.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo shahaadooyin guddoonsiiyey danjireyaasha ayaa ku bogaadiyey Machadka Diblumaasiyadda iyo Tababarka ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya, kaalinta uu ka qaato kor u qaadidda aqoonta diblumaasiyiinta Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada soomaaliya oo culeys adag soo waajahay iyo dilii ka dhacay Muqdisho oo …..

admin

Al-Shabaab oo xukun dil ah ku fulisey 3 qof oo ay ku jirtay haweeney

Caydiid Ali

Itoobiya oo soo bandhigtay Magacyada xubno ka tirsan TPLF oo la dilay, qaarna la qabtay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---