Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Saraakiil Turki ah oo Muqdisho yimid & shir ka dhacay Wasarada Difaaca (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xooga dalka  ayaa Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga ku qaabilay wafdi ka socda Dowladda Türkiye oo isugu jira saraakiil Ciidan iyo kuwo Madani ah.

Kulanka ayaa looga hadlay fulinta Heshiiskii taariikhiga ahaa ee Difaaca iyo Dhaqaalaha ee laba dal ay mar dhow ku kala sixiixdeen magaalada Ankara.

Dhanka  kale kulanka ayaa lagaga wada hadlay xoojinta tababar iyo qalabeyn  Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed( GorGor) iyo xoojinta  howlgalada lagu ciribtirayo Al shabaab dalkeena iyo diinteena ku soo duushey.

Golayaasha fulinta iyo sharcidejinta ee Soomaaliya ayaa dhowaan ansixiyey heshiis muhiim ah oo horraantii bishan Soomaaliya la gashay dawladda Turkiga.

Heshiiskan ayaa lagu magacaabaa “Heshiiska Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha,” waxaana 8-dii bisha lagu saxiixay dalka Turkiga.

Golaha Wasiirrada ee Soomaaliya ayaa shir ay yeesheen heshiiskan ku ansixiyey. Wax yar kadibna waxaa heshiiska ansixiyey xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxeynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka hadlay xiriirka iyo heshiiska Turkiga, ayaa ammaanay taageerada uu Turkigu u fidiyey Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in Turkigu uu Soomaaliya ka caawiyey dhinaca arirmaha bani’aadannimada, la-dagaalanka argagixisada iyo taageerada dhinaca dhaqaalaha sida kabka miisaniyadda.

Waxa uu sheegay in badda Soomaaliya ay muddo ah la kulmaysay kalluumaysi sharc-darro ah, iyo in lagu shubo agab wasakhaysan, hase yeeshee hadda ka hor aysan helin Soomaaliya cid ka kaalmaysa.

Waxa uu sheegay in sababta Soomaaliya kaalmada u weydiisatay Turkiga aysan ahayn in Itoobiya lala dagaalamo ama lagu duulo. Ujeeddadu waxa weeye ayuu yiri, waa in na lagu kaalmeeyo baddeena sidii aan u difaaci lahayn.

Related posts

Guuleed oo doorashada ka haray, una tanaasulay Musharaxa C/raxmaan C/shakuur (Sawirro)

Caydiid Ali

Golaha Wasiirada Somaliland oo ansixiyey Miisaaniyada sanadka 2023 iyo Muuse Biixi oo..

Caydiid Ali

Ciidanka Dowladda oo Fashiliyay weerar Al Shabaab xalay ku qaadeen degmada Ceeldheer

Cabdi Cade
Taboola Ads ---