Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Guuleed oo doorashada ka haray, una tanaasulay Musharaxa C/raxmaan C/shakuur (Sawirro)

Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ka baxay tartanka doorashada madaxweynaha Soomaaliya

Guuleed ayaa la sheegay inuu u tanaasulay hoggaamiyaha xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ka dib cadaadis kaga yimid Madaxweynaha Galmudug Qoorqoor, siyaasiyiin iyo waxgarad ka soo jeeda beesha Habargidir

Musharaxa C/raxmaan C/shakuur ayaa xaqiijiyey jiritaanka warkan ka dib qoraal uu soo bartiisa facebook.

“Waxaan u mahadcelinayaa walaalkeey C/kariin Xuseen Guuleed oo ii tanaasulay si guul looga keeno tartanka doorashada madaxtinnimada. Waxaan kaloo u mahadcelinayaa Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, xikdhibaanmada, Senatorrada, odoyaasha, siyaasiyiinta iyo ganacsatada hawshaas qaybta ka ahaa.” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur

Sida ay sheegeen xubnihii goob jooga ka ahaa kulankaas Guuleed ayaa laga dhaadhiciyey inuu taageero la garab istaago C/raxmaan C/shakuur.

Related posts

Amiir Alwaleed Bin Talal oo Saami ka iibsaday barta Snapchat

Cabdi Cade

Baarlamanka Puntland oo maanta bilaabaya dhegeysiga khudbadaha Musharaxiinta

Caydiid Ali

Kenya oo ka carootay talaabo ay qaaday dowlada Somalia & Booliska DF oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---