Maxaa xiga Racfaanka Qareenada Sayid Cali ka qaateen xukunkii Maxkamada?

Saaka waxay Maxkamadda Gobolka Banaadir Dil ku xukuntay Eedaysane Sayid Cali oo loo haystay Dilka Xaaskiisa. Maxkamadda ayaa go’aamisay in Sayid Cali Yahay Denbiile Galay denbiga loo haystay, isla markaana mutaystay ciqaabta ku xusan qodobka 434 Xeerla Ciqaabta Soomaaliyeed oo ah DIL toogasho ah.

  • Sayid Cali Xaq ma u leeyahay inuu Rafcaan Qaato?

Sida ku xusan qod. 35aad ee Dastuurka Dalka, Qod 4aad iyo 9aad ee Xeerka Nidaamka Garsoorka iyo qod. 208 Faq. 1aad ee Xeerka Habka Ciqaabta Soomaliyeed, Qofkasta oo ay Maxkamadda Derajada 1aad  xukunto wuxuu xaq u yeelanayaa inuu duri karo xukunka ku dhacay, taasoo ah inuu Rafcaan u qaato Maxkamadda derajada 2aad.

Guddoomiyaha Maxkamadda waxaa waajib ku ah inuu Dembiilaha uu xukumay uu u isla fadhigaas ugu sheego inuu leeyahay xaq RAFCAAN si waafaqsan qod. 123 Faq. 4aad ee XHCS, waana sida uu sameeyey Guddoomiye Saalax Cali Maxamuud, saaka.

Sayid Cali iyo Qareenadiisa ayaa haysta muddo 30 casho ah si ay u qaataan Rafcaan ay ku durayaan xukunkii Maanta ku dhacay. 30-ka casho maalin ka ay rabaan ayay ka qaadan karaan Rafcaanka, inta badana Qareenadu maalinta 30aad ayayba qaataan si ay waqtiga u dheeraystaan.

  • Maxkamadda Rafcaanka iyo Doorkeeda

Maxkamadda Rafcaanka marka ay soo gaarto Asbaabta Rafcaan ee Eedaysanaha iyo Qareenadiisa waxaa qasab ah in ay go’aan ka gaarto inay asbaabtaas aqbalayso iyo inkale si waafaqsan qodobka 223XHCS, haddii ay diido waxa ay ka dhigan tahay in aanu eedaysanuhu rafcaan lahayn, haddii ay aqbashana waxaa u furan Si waafaqsan qod. 231/2 XHCS saddex Midkood:-

  1. In ay Dacwadda Sayid Cali Dib u wada dhagaysto, si la mid ah Maxkamaddii D.1aad.
  2. In ay qayb ka mida Dacwadda Sayid Cali dhagaysato, Tusaale ahaan qeybta caddaymaha dacwadda ay dib u furto oo go’aamiso caddaymuhu maku filan yihiin in maxkamaddii hoose ku go’aan gaarto mise kuma filla.
  3. In ay si iskeed ah ugu qanacdo caddaymaha galkii maxkamadda hoose ku jiray, ayna soo saarto go’aan ay ku ayiddayso xukunkii hore.

Intaa kaddib, Haddii Maxkamadda Rafcaanku kiiska dhagaysto oo ay dil Mar kale ku xukunto Sayid Cali ama ayba diiddo Asbaabtiisa Rafcaan, maxaa xigaya?

  • Cabashada Maxkamadda Sare (Rafcaan 2aad)

Si waafaqsan qod 232 Faq 1aad ee XHCS Sayid Cali waxaa u furan in uu cabasho u qaato Maxkamadda Sare ee Dalka, isagoo ka cabanaya Rafcaankiisii la diiday ama Maxkamadda Rafcaanka oo ayidday Xukunii Dilka ahaa.

Maxkamadda Sare ee Dalka iyana waxaa u furan in ay Kiiska Dhagaysto, in ay Dib ugu celiso Maxkamadda Rafcaanka ama in ay diiddo Cabashada lafteeda.

Haddii Maxkamadda Sare kiiska Dhagaysto islamarkaana xukun soo saarto si waafaqsan qod. 233 XHCS, Xukunkaasi waa mid kama danbays ah  oo aysan ka furnayn wax dood ah marka laga reebo xaalado dhif iyo naadir ah ku xusan qod. 238  taasoo awood u siinaysa maxkamadda sare in ay dib u furto kiis dhammaaday, marka la helo xaaladaha ku xusan qodobkan.

  • Dhagangalka Xukunka!

Xukunka Maxkamadda Sare ay rido oo kaliya ayuun baa ah Xukun Kama danbays ah oo lagu fulin karo qofka lagu xukumay.

  • Fulinta Dilka

Intaa waxaa dheer in xukunka kaddib Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranku uu warqad Codsi Fulin Dil u qoranayo Maxkamadda Sare, kaddibna Maxkamadda Sare ay go’aamin doonto maalinta iyo saacadda Dilka Si waafaqsan Qod. 248 XHCS. Dilkaas oo noqon doona Toogasho Rasaas ah oo ay fulinayaan Ciidamada Asluubtu.

Haddaba, Qareennada u doodaya Sayid Cali, Dhammaan waxan oo Procedure ah iyo Bureaucracy-gan way wada xifdisan yihiin wayna wada adeegsan doonaan, markaa haddii waxaas oo jaranjaro ah hartay ayna macquul tahay inay muddo kale qaadato kiiska Dembiile Sayid Cali, Ma Mudan tahay Marxuumad Luul in ay Tallaagad ku sii jirto, waa Su’aal Akhlaaqi ah oo u taal eheladeeda?

 

- Advertisement -