Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax weyn oo lala beegsaday Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dowlada Somalia

Qarax ayaa caawa fiidnimadii la soo sheegayaa inuu ka dhacay saacado ka hor wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye kaasoo lala beegsaday ciidamada Booliska sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaan Haramcad.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo loo adeegsaday miino weyn oo wadada dhinaceeda lagu aasay uu haleelay gaari ay la socdeen ciidanka oo howlgalo ka waday degaanka Ceelasha biyaha.

Goob joogayaal ayaa ku waramay iney arkeen meydadka iyo dhaawaca qaar ka mid ah askartii la socotay gaarigaas oo dhulka daadsan, iyadoo ay halkaas gaareen ciidamo kale oo gurmad ah.

Al-shabaab ayaa todobaadyadan kordhiyey qaraxyada miinooyinka ee ay ciidamada dowlada kula beegsanayaan wadada isku xirta Muiqdisho iyo Afgooye, dhowaan ayeyna aheyd markii qarax ka dhacay isla wadadan lagu dilay lix ka mid ah ciidamada Kumandoska Danab oo uu ku jiray taliye sare.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Danjiraha Maraykanka oo hanjabaad & digniino adag siiyey Madaxda DF & Mucaaradka

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Das careysan oo dibad-bax ka dhigay Masar ka dib hadal ka soo yeeray Madaxweyne Sisi

Caydiid Ali
Taboola Ads ---