Deni & James Swan oo ka wada hadlay xalinta khilaafka dowlada Somalia & Jubbaland (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku soo dhoweeyey wefdi balaaran oo uu hogaaminayo Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mr James Swan.

Kulanka uu Madaxweynuhu la qaatay safiirka qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo weftigiisa ayaa waxaa qayb ka ahaa masuuliyiin ka tirsan Golaha Xukuumadda iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Danjire Mr James Swan ayaa kulan ka kadib si wadajira ula hadlay warbaahinta. Madaxweynaha Puntland ayaa tilmaamay in ay ka wada-hadleen safiirka arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga, waxaana uu uga mahadceliyey hay’addaha Qaramada Mudiibey shaqooyinka muhiim ka ah ee ay ka hayaan dalka, gaar ahaan Puntland.

“Sidoo kale waxaan aad uga sheekaysanay horumarka siyaasadeed ee uu dalku marayo iyo amni, runtii waxa ay qireen marxaladda hadda Soomaaliya ay ku jirto in ay u baahan tahay wadahadal dheeriya, si arrimaha taagan ee qabyada ka ah, horumarka siyaasadeed ee dalka aragti midaysan ay ka yeeshaan dadka Soomaaliyeed, iyagoo markasta eegaya maslaxadda guud ee dadka Soomaaliyeed meelkasta ay joogaan, waxaan si dhaw uga wadahadalnay sidii isu soo dhoweyn looga samayn lahaa DFS iyo Dowladdaha Xubnaha Ka ah, gaar ahaan arrinta Jubbaland oo runtii mudadii u dambaysey caqabad ay ka taagnayd waxaan rajaynayaa dedalka ay wadaan beesha caalamku, dedaalka ummadda Soomaaliyeed iyo dedaalka Puntland ay ka waddo arrintaasi inay midhadhalidoonaan” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Ergeyga Gaar ka ah ee Qaramada Midoobey Soomaaliya Mr James Swan ayaa dhankiisa bogadiyey horumarka balaadhan ee ay Puntland ka gaartay dhan walba.

“Kuwani waa tusaaleyaal xooggan oo muujinaya sida ay Puntland uga go’an tahay hirgelinta horumar dhaqaale iyo mid bulsho iyo weliba hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda, taas oo aan aad u bogaadinayno. Muddadii aan ku jirnay booqashadeenna Puntland waxan muujinay sida ay muhiim u tahay iyo bulshadu hesho nabad iyo ammaan. Puntland waxan aad ugu bogaadinaynaa hawlgallada ay waddo ee ka dhanka ah Al-shabaab, iyadoo weliba adeegsanayna keliya ciidamadeeda iyo dhaqaalaheeda gaarka ah. Waxan uga mahadcelinaynaa Madaxwayne Deni sida uu si iskiis ah isaga xil saaray xoojinta xiriirka Dowladda Federaalka iyo Dowladdaha Xubnaha, tusaale Shirkii Garoowe ee qabsoomay bishii May. Dadka reer Puntland waxay ku faanan horumarka ay sameeyeen 21-kii sano ee lasoo dhaafay”. ayuu yiri Ergeyga Gaar ka ah ee Qaramada Midoobey Soomaaliya Mr James Swan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -