Qaar ka mid ah ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo xabsiga loo taxaabay (Sawirro)

Taliska Boliiska Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir ayaa gacanta ku dhigay raashin dhacay oo lagu iibinayay  bakhaar ku yaalla suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka  Booliska Soomaaliyeed Mudane Sadiiq Aadan Doodishe ayaa sheegay in ciidamada ay gacanta ku hayaan raggii ka ganacsanayay raashinka dhacay.

Sadiiq Aadan Doodishe ayaa uga digay ganacsatada qaar inay bulshada ka iibiyaan raashin dhacay.

“Cabasho ka timid shacabka oo ahayd in Bakhaarka lagu iibiyo raashin dhacay ayay ciidamada amaanka durba ka jawaabeen, waana lagu guulaystay in gacanta lagu dhigo dadkii bakhaarka ku iibinayay raashinka dhacay, waxaana la marsiin doono sharciga”. ayuu yiri Afhayeenka Booliska.

Afhayeenka ayaa shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay sida ay ula shaqeeyaan ciidamada, isagoo ugu baaqay iney soo xoojiyaan wada shaqeynta laamaha amaanka kula kalsoonaadaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -