Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Booliiska oo magaalada Muqdisho ku qabtay Haweeney ninkeeda gubtay

Ciidanka Booliiska qeybta gobolka Banaadir ayaa howlgal ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho waxa ay kusoo qabteen haweeney lagu eedeeyay in ninkeeda ay gubtay, taa oo falka marka ay geesatay kaddib isku dayday in ay baxsato.

War kasoo baxay taliska booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ciidanka booliiska ee ka howlgala saldhigga degmada Yaqshiid saakay gacanta kusoo dhigeen Naley Maxamuud Saney oo ninkeeda gubtay.

”Maanta oo taariikhdu tahay 01/03/2024 abaare 9:30 subaxnimo, ciidanka Booliiska Soomaaliyeed gaar ahaan saldhigga Yaaqshiid waxa ay soo qabteen eedeysane Naleey Maxamuud Saney 26 jir ah oo gubtay Saygeeda, waxaana dhibanaha gar gaar u fidiyay ciidanka booliiska” ayaa lagu yiri warka Booliiska kasoo baxay.

Taliska booliiska gobolka Banaadir ayaa sheegay in haweeneyga gubtay ninkeeda hadda ku socdaan baaritaanno, waxa ayna caddeeyeen in caddaalada la horgeyn doono marka baarista dhammaato.

Magaalada Muqdisho waxaa kusoo badanaya falalka la xariira gubida , dilalka iyo dhibaatooyin kalaba ay isku geesanayaan qoysaska is qaba, taa oo isbuucyadii laoo dhaafay si weyn u korortay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Talyaaniga oo Soomaaliya ka taageeraya Dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan oo ka hadlay Geerida Sh: Cusmaan Xiddig

Cabdi Cade

Ronaldo oo muraayad isku Fiiriyay garoonka dhexdiisa iyo Warbaahinta oo hadal heysa (Daawo Swairro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---