Wasiirka Amniga oo si adag uga hadlay banaan baxii booliiska joojiyeen iyo waxyeelo loo…

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa saakay is hortaag ku sameeyay banaan bax lagu taageerayay Ra’isul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya loogana soo horjeeday Madaxweyne Farmaajo.

Wasiirka aniga gudaha xukuumada Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa goordhaw shaaciyay in lasoo gaarsiiyay cabasho ka dhan ah hay’addaha amniga gaar ahaan booliiska oo waxyeelo u geestay masuuliyiin iyo dad ka qeyb galayay banaan bax nabadeed.

Waxa uu sheegay wasiirka amniga gudaha in baaritaano lagu sameyn doono cabashada lasoo gaarsiiyay ee ku aadan in ciidamada booliiska dhibaato u geesteen dad shacab ah iyo masuuliyiin qeyb ka ahaa banaan baxa.

”Waxaa isoo gaartay Cabasho ah in hay’adaha Amniga gaar ahaan booliska dalku wax yeelo u gaysteen mas’uuliyiin iyo shacab ka qayb gelayay isu soo bax nabadeed, waxaana lagu samayn doonaa baaritaan sida ay wax u dhaceen” ayuu yiri Wasiirka amniga.

Wasiirka amniga gudaha ayaa cadeeyay in aan marnaba la aqbali doonin in saraakiisha hay’addaha amaanka ku kacaan falal xadgudub ah, waxa uuna shacabka ugu baaqay in dhankooda ilaaliyaan xasiloonida .

”Waxaana shacabka iyo mas’uuliyiintaas u xaqiijinayaa in aan marna la aqbali doonin in saraakiisha hay’adaha amniga ku kacaan falalka lagu soo eedeeyay, waxaan sidoo kale shacabka ugu baaqayaa in ay is dejiyaan lana ilaaliyo xasiloonida Caasimada mana la aqbali karo wax rabshada ah.” ayuu yiri Wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur.
Hadalka wasiirka ayaa imaanaya xili lagu eedeeyay Taliyaha booliiska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole iyo taliye kuxigeenka ciidanka booliiska awood ku joojiyeen banaan bax nabadeed oo looga soo horjeeday Madaxweyne Farmaajo oo ka socday degmada Hodan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -