Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Hirshabelle oo soo gebagebeysay doorashada kuraastii taallay Balad-weyne

Xildhibaan Cali Xaaji Aadan ayaa ku soo baxay doorashada Kursiga HOP039, iyadoo uu ahaa kursigii u dambeeyay kuraasta Beledweyne oo maanta la soo gabagabeeyo.

Doorashada kursigan waxaa ku tartamay labo Musharax waxaana Natiijada hordhaca ah ku guuleystay Cali Ali Xaaji Aadan oo helay 86 cod halka Murashaxii kale ee la tartamaysay Aamina Xaaji Bile Cali ay heshay 13 Cod.

Dhinaca kale, Kursiga HOP135 oo ay ku fadhisay Marxuumad Aamina Maxamed Cabdi ayaa la filayaa in loo wareejiyo Magaalada Jowhar sida ay codsadeen eheladeeda tacsida awgeed.

Kursigan ayaa ka mid noqon doona 7 Kursi oo maalmaha soo socdo doorashadooda lagu qaban doono magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe.

https://www.youtube.com/watch?v=C7HqZlLNE2s&t=143s

Related posts

Axmed Madoobe oo Shaaciyay in Garbahaarey aysan Doorasho ka dhici karin (Sawirro)

Cabdi Cade

Sacuudiga oo ku dhawaaqay dhalashada bisha Ramadaan iyo dalal badan oo ku raacay

Caydiid Ali

Puntland: “Dowlada federaalku ma xiri karto Qunsuliyada Itoobiya ee Garowe”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---