Ra’iisul Wasaarihii hore ee Yuhuuda oo ka digay talaabo uu qorsheynayo Netanyahu

Ra’iisul wasaarihii hore ee Israa’iil Ehud Olmert ayaa ka digay in Israa’iil ay la kulmi doonto cawaaqib xumo haddii ay ciidamadeeda u dirto magaalada go’doonsan ee Rafah, ee koonfurta Qaza, halkaasoo in ka badan hal milyan oo qof oo barakacayaal ah ay gabaad ku yihiin.

“Samirka beesha caalamku waxa uu gaaray heer aysan awood u yeelan doonin inay u dulqaataan ficilada RW Netanyahu,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihii hore ee Israel.

Olmert ayaa ugu baaqay hogaamiyaha Israel Benjamin Netanyahu, inuu joojiyo dagaalka oo uu diirada saaro qorshe u sahlaya ciidamada Israel inay ka baxaan Gaza taas bedelkeedana  la geeyo ciidamada caalamiga ah si ay u galaan nabad ilaalin.

Ra’iisul wasaarihii hore, oo hogaaminayay Israa’iil intii u dhaxaysay 2006 iyo 2009, ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay in weerar dhulka ah oo lagu qaaday Rafah “laga yaabo inuu burburiyo heshiiskii nabada ee u dhexeeya Israel iyo Masar”.

- Advertisement -