Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Booliska Muqdisho oo qabtay rag ka tirsan Al shabaab oo dilay askari

Ciidanka Booliska gobolka Banaadir ayaa sheegay iney soo qabteen shabakad ka tirsan Al shabaab oo ka kooban afar nin oo bastoolado ku hubeysan, wax yar ka dib markii ay dileen askari ka tirsan ciidanka Xooga dalka

HOOS KA AKHRISO QORAALKA BOOLISKA

Warbixin soo Qabasho Shabakad khawaarijta ah oo dil Geestay.

Maantay oo Taariikhdu tahay 28/02/2024 Abaare 16:15 daqiiqo Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Saldhigga Boliiska Deegaanka Garasbaaley. Waxeey  gacanta kusoo  dhigeen  shabakad ka kooban 4 dhalinyaro ah kuwaas oo dilay Marxuum: Xasan  C/qaadir Ibraahim kana tirsanaa Ciidanka XDS.

Dilka kadib  Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo sameeyay kadaba tag ayaa Gacanta kusoo dhigay shabakadan oo watay Mooto iyo Laba Bastooladood oo ay dilka ku geesteen.Waxaana  la horgeydoonaa Maxkamadda awooda u leh Insh-Allah.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Madaxweyne Deni oo heshiisyo waaweyn la saxiixday Shiinaha (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Mareykanka oo isbarbar dhigay dagaalkii ku qabsaday Muqdisho & waxa Israel ku sugaya Gaza

Caydiid Ali

Duqa Muqdisho oo ka farxiyay Hooyo Muuqaal Dareen xumbaarsan Facebook ku baahisay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---