Al Shabaab oo Fagaare ku toogatay Sadex nin uu ku jiray nin Oday ah (Akhriso Magacyada)

Fagaare kuyaala deegaanka Kamsuuma ee gobolka Jubada Hoose ayaa shalay galab lagu toogtay sadex nin oo lagu eedeeyay in ay katirsanaayeen ciidanka dowlada Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Maxkamada xarakada Al Shabaab ayaa ku eedeesay sadexdan nin ee xukunka dilka ah lagu fuliyay in ay qeyb ka ahaayeen ciidanka dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland .

Ragan xukunka Dilka ah lagu fuliyay waxaa ku jiray nin oday 75-sano jir ah oo lagu magacaabayay Falliir Yaroow Cali , Al Shabaab ayaana Odaygan ku eedeesay in uu tababar kusoo qaatay gudaha Kenya una shaqeenayay Ciidanka Kenya ee jooga Hoosingow.

Labada nin kale ee xukunka dilka ah Al Shabaab ku fuliyeen ayaa lagu kala magacaabayay Muuse Xuseen Siyaad oo lagu eedeeyay in uu katirsanaa Ciidanka Danab iyo Xuseen Max’med Cabdi Arsal oo isna lagu eedeeyay in uu katirsanaa ciidanka Jubbaland.

Al Shabaab ayaa marar badan xukuno dil ah ku fulisay dad ay ku eedeesay in ay katirsanaayeen ciidanka dowlada iyo kuwa maamulada iyo sidoo kale dad kale oo iyana lagu helay falal absaasnimo ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -