Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Dad ka badan Soddon qof oo ku dhintay shil fool xun oo ka dhacay Kenieba

Ilaa soddon iyo kow ruux ayaa ku dhimatay shil gaari kadib markii gaari bas ah uu ka dhacay buundo ku taalada dalka Mali.

Baska ayaa ku socday dalka dariska ah ee Burkina Faso, isaga oo ka yimid magaalada Kenieba.

Sidoo kale ugu yaraan toban ruux oo kale ku dhaawacmay shilka – qaarkood ayaa si xun dhaawac u soo gaaray.

Masuuliyiinta gudaha ayaa sheegay in sababta shulka ay ahayd ‘darawalka oo xakamayn waayay gaariga’.

“Gaari ah bas ah oo ka tagayay magaalada Kenieba oo u socday Burkina Faso ayaa ka dhacay buundo. Waxa ugu wayn ee shilka sababay ayaa ahaa darawalka oo lumiyay xakamaynta gaariga,” Sidaa waxaa war uu soo saaray ku sheegtay wasaaradda gaadiidka ee dalkaas.

Warka ayaa intaas lagu daray in muwaadiniin ka soo kala jeeda Mali iyo wadamada kale ee dariska ay ahaayeen dadkii waxyeeladu soo gaartay.

Related posts

Kulan lagu taageerayay Dib u dhiska Galmudug Mideysan oo Muqdisho ka dhacay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Qorshe xukunka looga tuurayo Raisul Wasaare Imran Khan oo bilowday

Caydiid Ali

Madaxweyne Afrikan ah oo ku baaqay in Xildhibaanada dalkiisa laga mamnuuco safarrada Dibadda

Cabdi Cade