Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamadda G/Banaadir oo saakay mar kale dhageysaneysa Dacwada ninkii gubay Xaaskiisa

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa saakay mar kale bilowday dhageysiga dacwada ka dhanka ah Sayid-cali Macallin Daa’uud oo loo heesto in uu nolosha ku gubay kuna dilay xaaskiisa oo xaamilo u aheyd.

Maxkamadda gobolka Banaadir oo ay ka socoto maxkamadeynta Sayid-cali Macallin Daa’uud ayaa waxaa ku sugan dadweyne kala duwan oo isugu jiura ehelada Marxuumad Luul Cabdicasiis , ehelada dilaaga iyo dadweyne kala duwan.

Xafiiska xeer ilaalinta dowladda ee dacwada kusoo oogay Sayid-cali Macalin Daa’uud ayaa la filayaa in maanta caddeymo hor leh iyo marqaatiyaal horkeenaan maxkamadda, si eedeynta dilka uu ku eedeysan yahay Sayid-cali loogu helo.

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaair ayaa horey u sheegay in aysan dooneyn in waqti badan qaadato maxkamadeynta Sayid-cali Macalin Daa’uud, waxa uuna sheegay in kiiskan si deg deg ah go’aan looga gaari doono.

Kiiska dilka ah ee loo heesto Sayid-cali Macalin Daa’uud ayaa ah mid si weyn indhaha loogu hayo, waxaana dad badan eegayaan g’aanka maxkamadda kasoo bixi doono, iyadoona wali meydka marxuumadii uu dilay ninkan wali ku jirto filinjeer.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

DF oo shaacisay in Muqdisho laga helay dad hor leh oo qaba cudurka COVID-19

Caydiid Ali

Xasan Sheekh iyo Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo kulmay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Khayre oo ka hadlay hal arrin oo fursad u noqon karta dib u dhiska dalka (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali