Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir Xasan Macalin oo booqday xarunta cilmi-baarista iyo Garsoorka dalka Qatar (Sawirro)

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo ku sugan dalka Qatar ayaa booqday xarunta cilmi-baarista qaanuunka iyo Garsoorka dalka Qatar, waxaana madaxda xarunta, cilmi-baarayaasha iyo hawlwadeennada warbixin dhamaystiran ka siiyeen shaqada xarunta iyo hannaanka ay u shaqeyso.

Wasiir Xasan Macallim oo sidoo kale booqday xarunta diiwaan-gelinta iyo nootaayooyinka dalka Qatar, ayaa madaxda iyo howl-wadeennada maamula ka dhegaystay warbixin ku sahabsan qaabka casriga ah ee loo maamulo arrimaha diiwaan-gelinta iyo hubinta nootaayooyinka.

Mudane Xassn Macallim ayaa ka waraystay sida dowladda Qatar u sameyso wacyi-gelinta qaanuunka, tababaridda shaqaalaha qaanuunka ee dawladda, maamulka nootaayooyinka iyo heshiisyada,

Wasiirka oo dowladda Qatar ku ammaanay horumarka ballaran ee dhinaca kaabayaasha caddaaladda iyo garsoorka, ayaa sheegay in Soomaaliya u baahantahay inay ka faa’iidaysato khibradda dalalka saaxiibka ah inta ay ku jirto geeddi-socodka dhismaha qaranka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Donald Trump oo guul muhiim u ah gaaray kahor Doorashada Mareykanka

Cabdi Cade

Wasiirkii hore ee Difaaca oo mar kale Wasiirnnimo loo dhaariyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Maraykanka oo sheegay inuu duqeyn ku dilay Saraakiil ka tirsan Al-shabaab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---