Allbanaadir.com
NEWS

Haween tiro badan oo carruurtooda u diray tuugsi oo xukuno adag lagu riday

Maxkamad kutaalla magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda ayaa xukun isugu jira xabsi iyo musaafuris ku riday in ka badan 100- haween ah oo lagu helay in carruurtooda u direen tuugsi sharci-darro ah.

Haweenkan oo lagu soo qab qabtay howlgal ay sameeyeen ciidamada ammaanka ayey ku qirteen in carruur ay dhaleen u direen si ay magaalada uga soo tuugsadaan, si ay u helaan lacago ay raashin iyo waxyaabo kale ay baahnaayeen ku iibsadaan.

Maxkamada la saaray haweenkan ayaa sidoo kale ka mamnuucday haweenkaasi in ay dib ugu soo laabtaan magaalada, waxaana ay amartay in dib loogu celiyo degmada ay ku nool yihiin ee Napak ee waqooyiga Ugandha.

Qaar kamid ah haweenka xukunka lagu riday ayaa ka codsaday dowladda in ay cafis u fidiyaan, waxa ayna sheegeen in tuugsiga ay u direen carruurtooda sababtay baahiyo gaar ah ay kamid yihiin in raggii qabay dhinteen.

Dalka Uganda waxaa mamnuuc ka ah in carruurta yar yar ay dawarsadaan ama tuugsi waaridkooda u diraan, waxaana kasoo soo horjeeda sharciga xagga ilaalinta carruurta ee u degsan dalka Uganda

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Dalaayadaha ku booda ee Ruushka oo weerar toos ah ku qaaday magaalada Kharkiv

Cabdi Cade

Ninka ugu caansan ee mucaaradka madaxweyne Kais Saied oo xabsi la dhigay

Cabdi Cade

Madaxweyne Guudlaawe oo fursad siiyay Shacabka Cadalle

Cabdi Cade
Taboola Ads ---