Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Jubaland oo gacanta ku dhigtay shabakad dad ka tahriibinaysay Kismaayo (Sawirro)

Ciidanka Booliska Jubbaland qaybta gobolka Jubbada hoose ayaa  howlgal uu sameeyey 24 saac ugu dambeeyey waxaa uu gacanta ku soo dhigay shabakad ka shaqaynaysay tahriibinta dhalinyarada Jubbaland ee  ku nool gudaha magaalada Kismaayo iyo waliba deegaanada kale ee Jubbaland.

Ciidanka Booliska Jubbaland ayaa sheegay in ay howlgalkaan ku soo xidheen 13 qof oo afar ka mida ay yihiin kuwii dhalinyarada tahriibinaayey halka sagaalka ay yihiin dhalinyaro dalka laga tahriibinaayey.

Laba ka mida dadkii la tahriibinaayey ayaa ku xidhan deegaanka Bilis Qooqaani oo hoos taga degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose sida uu sheegay Taliye kuxigenka qaybta danbi Baadhista ee ciidanka booliska Jubbaland qaybta gobolka Jubbada hoose laba xidigle Muxiyadiin Maxamed Cumar.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Ciidanka Midowga Afrika oo ka baxay degaan ka tirsan Sh/dhexe & Al-shabaab oo ku soo laabatay

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo Niyada u dejiyay Mahad Cawad iyo Xildhibaano kale oo wal walsan

Cabdi Cade

Carada sii kordheysa ee shacabka Mareykanka ka qaadeen Trump

Caydiid Ali
Taboola Ads ---