Allbanaadir.com
NEWS

Muxuu Aadan Madoobe kala hadlay Ambassador Joachim Waern? (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dalka Sweden Ambassador Joachim Waern.

Guddoomiye Sheekh Aadan iyo danjiraha ayaa kawada hadlay xoojinta xiriirka soojireenka ah ee labada dal, doorka Dowladda Swedish-ka kaga jirto gaarsiinta mashaariicda horumarineed ee dalka laga fuliyay, waxaana uu danjiraha xusay in dowladda Sweden taagereyso howlaha hortabinta leh ee horyaala Golaha Shacabka.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka 14-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xubnaha guddiga uga warbixiyay xaalada guud ee dalka gaar arrimaha difaaca iyo u istaagida ilaalinta madaxbanaanida iyo gobonimada dalka ayaa mudanayaasha labada aqal ku amaanay dedaalkooda joogtada ah. Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa guddiga warbixin ka siiyay dooda dhameystirka dib u eegista Dastuurka KMG oo la soo gabagabeeyay cutubka koowaad iyo bilaawida cutubka labaad ee dib u eegista Dastuurka.

Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka labada aqal ee Baarlamaanka 11-aad Xil. Xuseen Iidow ayaa guddiga uga warbixiyay fahamka iyo halka uu maraayo doodaha iyo shintiriska Dastuurka oo dhowaan la bilaabi doonto cutubkiisa labaad.

Gunaanadka kulanka ayaa xubanaha Guddiga Joogtada waxay ka doodeen hubinta ajandyaasha isbuuclaha ah sida shintiriska, hindise sharciyeedyada iyo ajendeyaasha kale muhiimka ah ee horyaala fadhiga Golaha Shacabka.

Ciidamada Israel ayaa rasaas ku furay kolonyo ka tirsan Qaramada Midoobay oo sahay cunto muhiim ah u siday bartamaha Gaza, ka hor inta aysan ugu dambeyntii joojin gawaarida xamuulka ah ee u socda dhinaca waqooyiga ee dhulkaas, halkaasoo Falastiiniyiintu ay qarka u saaran yihiin macaluul.

Related posts

Shil Diyaaradeed oo ka dhacay garoonka Diyaaradaha Khartuum (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Booliska DF oo caawa qabtay burcad dhac ka waday degmo ka tirsan Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Erdogan oo shaaciyay in lagu casuumay shidaal sahminta Soomaaliya

Cabdi Cade