Awoodaha Raisul Wasaaraha cusub iyo saameynta uu ku leeyahay Madaxweynaha

Awooda raisul wasaaraha waa mid mar kasta ay isku dayaan iney saameyn ku yeeshaan Madaxweyneyaasha Soomaaliya oo ay weliba hoos keenaan awoodahooda gaarka ah ee ay u ergeeyaan xaasaskooda, qaraabadooda, iyo guulwadeyaashooda. Raisul wasaareyaasha qaar waxaa awoodahooda si xirfadeysan daaha gadaashiisa looga maamushaa, kadib marka lagu soo xero geliyo balanqaadyo dhalanteeda ama xishood xigaalnimo, xigtanimo, ama xididtinimo ayuu u dhaqmaa sida Robot oo ay maskax kale hageyso.

Nasiib darro marka lagu hubsado raisul wasaarahaas inuu noqdo Robot ayaa waxaa si darandooriya loo geliya godob uu ka galo shaqsiyaad iyo guud ahaan dadka iyo dalka, kuwaasoo reeba ma hadho taariikh madow ku reebta raisul wasaarahaas Robotka ah, wuxuuna xil ka qaadistiisa ka dib ku baraarugaa dhalanteedkii uu ku dhexjirey, wuxuuna ku dambeeya oraahda ah “Ma ogeyn, warna uma heyn, mana fileyn iney sidaas ii muuqata hadda wax u dhaceen, ama sidan wax ku dhamaanayaan.”

Saanqaadka madaxweyne Farmaajo waa mid aan lahayn xurmo tixgelineed ama dhowris sharciyeed, cida la shaqeysana waxaa laga filanayaa iney habdhaqankaas isaga kala mid tahay oo ay maskaxdoodu isku biyo shubanayaan, cida isku dayeysa iney hab qabiil uga leexiyaan eedaha loo adeegsadey ama lala damacsan yahay in loo adeegsado raisulwasaarihii hore ama kan cusub, waa dad xaga dareenka dadnimo ay wax badan indhahooda ugu dedan yihiin kebed indho sarcaadnimo.

Waxaa ah wax laga yaxyaxo in madaxweynaha iyo raisulwasaarahiisa kusimaha ahaa ay dhalinyarada reer waqooyi oo shaqo la’aanta uga soo tegey Somaliland ay aayahoodii si qaldan ugu adeegsanayaan siyaasado mustaqbalkooda lagu madoobeynayo, iyagoo loo adeegsanayo falal dambiyeedyo ay ku fulinayaan guulwadeyn, taasoo bedelkeeda loogu sameynayo balanqaadyo shaqo iyo lacag yar.

Dadka filanaya raisul wasaarihii tegey iyo kan hadda soo galay iney isdhaqan doorin doonaan, waxaa tusmo iyo tusaalenimo idinku filan sida uu ku bilaabay jilaaga cusub hab masrixiyeedkii xil wareejinta, waxaana idiin xigi doona wejiyada ka soo muuqan doona golahiisa wasiiradda, iyo weliba niyadjabka ka soo baxa balan ka baxyada loo sameeyey qaar ka mida goleyaasha baarlamaanka, madaxda maamul goboleedyada, siyaasiyiinta mucaaradka, iyo madaxda dhaqanka.

Ma sahlanaan doonto halista ku ag wareeganeysa raisul wasaaraha cusub oo aan u madaxbanaaneyn maareynta masiibooyinka ku duugan xiliga kala guurka. Waxaan u maleynayaa iney ka dhacdo ninkii tegey ayey taladiisu rooneyd, ninkii harayna hadey haysataa wixii uu ka tegey ninkii hore.

Prof. Saciid Ciise Maxamuud (Sacim)
Guddoomiyaha Xisbiga dadka Soomaaliyeed
Maine. Texas, USA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -