Cali Istiila: “Matabaan waxaan ka wadnaa mashruuc lagu dhisayo guri bulshadu..”

Ururka Himilo, waxa uu ka mid yahay ururada ay Soomaalidu maamusho ee ka dhisan dalka Nederlands, waxaana ku middeysan qaar ka mid ah jaaliyadaha Galmudug ee ku dhaqan dalkaasi.

Ururka Himilo, waxa uu kaga duwan yahay ururada qaarkood,  waxaa uu mashaariic isugu jirta  horumarinta adeegyada bulshada & wacyigelin ka fuliyaa qaybo ka tirsan gobolada Mudug & Galguduud.

Cali Xassan Maxamed oo loo aqoon ogyahay  [Cali Istiila] waa Guddoomiyaha ururka Himilo, waraysi koobban  ayuu  kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan waxqabadkooda  wareysiguna waxa uu u dhacay siddatan:

Su’aal: Muddadii aad haysay xilka Guddoomiyenimada ururka ma jiraan wax mashaariic ah oo ay Himilo ka fulisay deegaanada Galmudug.?

CALI ISTIILA: Haa waa jiraan, waxaanna ka mid ah:

Degmada Go’doon oo ka tirsan Gobolka Galguduud oo aan ka dhisnay xarun maamulka  degmadu ku shaqeeyo [Gemeenthuis].

Tuulada Dabagalo oo aan baraago u sameynay.

Degmada Giri-jir oo aan ka dhisnay iskuul &  Isbitaalkii Degmada  oo aan qayb lixaad leh ka qaadanay dhismihiisa.

Xilligii laga waday dib u heshiisiinta dhinacyadii isku hayay Galmudug, waxaan madashii kulankankaasi gaynay 500 kuraas VIP ah.

Xilliyada roobabku yaraadaan waxaan isku howlnaa inaan fulino mashaariic biyo dhaamin ah.

Waxaan ka qaybqaadanay ololihii gurmadka abaaraha dadkii ka soo qaxay Xarardheere ee u soo qaxay Dhuusamareeb, oo aan u dirnay kaalmo.

Waxaan sidoo kale qalabaynay Iskuul ku yaal Qodqod.

Degmada Matabaan waxaan dhowaan ka billownay inaan ka dhisno guriga bulshada, halkaas oo aan ugu talogalnay in ay noqoto goob bulshadu ku kala war-qaadato, ayna kaga arrinsadaan masiirkooda.

Dugsiyada Galmudug waxaan u  dirnay qalab kombiyuutaro ah annaga oo u marinay Maamulka Galmudug.

Bisha Ramadaan waxaan iska uruurinaa lacago tabarucaad ah, waxaanna gaarsiinaa agoonta & dadka danyarta ah si ay ula farxaan bulshada inteeda kale.

Teeda kale, annagu waxqabadkeena Gobolada dhexe keliya kuma koobna waxaan qayb libaax ka qaadanay qalabeynta Salama University  Muqdisho,.

Su’aal: Deegaanada aad mashaariicda ka fulineysaan qaabkee ayaad u soo xulataan.?

CALI ISTIILA: Nidaam ayaa u dagsan Himilo, marka hore codsi ayeey soo gudbinayaan ay ku sharaxayaan baahidooda, guddi gaar ah ayaa  isla fiirinaya, waxaanna jira shuruudo aasaas loogu dhigayo sida mudnaanta loo kala siinayo, guddiga ayaana ugu dambeyn go’aan ka gaara.

Su’aal: Dadka xubnaha ka ah ururka ee bixiya qidmada tabarucaada ah, sanad walba hal mar ayaad shir isugu yeeri jirteen si aad ula socodsiisaan wixii sannadkaasi idin qabsoomay, intii muddo ah wax shir ay ma aydnaan qaban maxaa u sabab ah.?

CALI ISTIILA: Waa runtaa, 2019 waa isugu yeernay,  2020 waxaa naga soo galay cudurkan safmarka ah ee Covid19, hadda ayaa qorsheyneynaa habka zoomka inaan ku qabano, oo wixii macluumaad ah aan ugu gudbino dadka xubnaha ka ah Himilo.

Su’aal: Xisaab xirka sannadeedka Himilo goorma  ayaad soo gubisaan, qaabkeed se ula wadaagtaan dadka xubnaha ka ah Himilo.?

CALI ISTIILA: Sannadkii ayaa mar la qabtaa kulan ay ka soo qaybgalaan dadka xubnaha ka ah Himilo, markaas ayaa la soo bandhigaa qaraashaadkii na soo galay & sidii loo isticmaalay iyo howlaha ururka sida ay u socdaan.

Su’aal: Marka aad heshaan mashaariicda gudaha dalkan lagu qabanayo, qaabkeed go’aan uga gaartaan sida loo fulinayo ma qof iyo 2 ayaa go’aamiya mise waxaad talada la wadaagtaan xubnaha ururka ?

CALI ISTIILA: Wax walba oo aan qabanayo waxaa go’aan ka gaara guddiga fulinta.

Su’aal: Dadka qaar ayaa qaba, marka la is barbar dhigo guddoonkii idinka horreeyey, in ay idinka wax qabad badnaayeen, maxaad kaga jawaabaysaa doodaas.?

CALI ISTIILA: Waxaan leeyahay dadka ay ka hadlayaan markii hore-ba waa annaga,  dadkii hore un baa jooga Himilo.

Su’aal: Himilo maxaa u qorsheysan in ay qabato mustaqbalka dhow.?

CALI ISTIILA: Mashrcuuc guri bulsho ayaa ka wadaa Matabaan sida aan kuu sheegay, gurigaas ayaa noqon doona guri dadku ay ku shiraan, waxaa kale oo aan soo wadnaa olole dadka aan kaga wacyigelineyno xaalufinta dhalinta, oo aan rabno inaan ku baraarujino, hal ku dhigeenu na waa  “adigoo geed gooyey waa adigoo naf gooyey”.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -