Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Xubno ka tirsan Al-shabaab iyo Daacish oo laga baadi goobayo Magaalada Boosaaso

Ciidamada Amaanka Puntland ayaa xalay magaalada Boosaaso ka sameeyey howlgal lagu xaqiijinayay amaanka, kaasoo looga hortagayo falalka Amni daro ee mararka qaar  dhaca.

Baaritaanka ciidamada ayaa saameeyey xaafadaha iyo wadooyinka ay ka kooban tahay Magaalada.

Ujeedada baaritaanka ayaa ahayd in gacanta lagu soo dhigo xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo daacish oo magaaladaas soo galay sida ay sheegeen saraakiisha amaanka Puntland oo la hadlayey warbaahinta gudaha.

Howlgalkii xalay ay ciidamada sameynayeen ayaa dad badan lagu soo qabqabtay kuwaasoo lagu tuhunsan yahay iney ka tirsan yihiin Al-shabaab iyo Daacish.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha shacabka oo Go,aan ka gaaray wax ka bedelka Sharciga Xisbiyadda Siyaasadda

Cabdi Cade

Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo bannaanbax dhigaya iyo ganacsigii oo…

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xeer ku dhisay sanduuq Qaran una magacaabay Agaasime

Cabdi Cade
Taboola Ads ---