Booliiska oo faah faahiyay khasaaraha ka dhashay qaraxii xalay ka dhacay Muqdisho

Qarax nuuca miinada ah ayaa xalay ka dhacay isgooska SOS ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxan oo haleelay gaadiid iyo mooto ay dad shacab ah la socdeen ka dhashay  khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

War kasoo baxay taliska ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in qaraxa uu haleelay gaari iyo mooto dad shacab ah la socdeen, xilli ay marayeen isgooska SOS ee degmada Hiliwaa.

Booliiska ayaana xaqiijiyay in qaraxa ku dhinteen shan qof oo shacab ah , waxa ayna intaa ku dareen in qaraxa ay ku dhaawacmeen dad ka badan toban qof, kuwaa oo qaarkood soo gaareen dhaawacyo culus.

Qaraxa miino ayaana dad goobta ka agdhawaa sheegeen in lala damacsanaa ciidamo dowladda katirsan oo aagaasi ka agdhawaa, balse uu haleelay gaadiidka iyo mootada ay dadka shacabka ah la socdeen.

Qaraxyada miino ee ka dhaca gudaha Muqdisho ayaa mararka qaar dhaliya khasaarooyin dhimaho iyo kuwa dhaawac ah oo kasoo gaara dad shacab ah oon waxba galabsan, waxaana qaraxyadaasi ka gaabsada ka hadalkooda kooxaha hubeysan ee ka dambeeya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -