Allbanaadir.com
NEWS

Puntland iyo Jubbaland oo eedeeyey safiirka UK ee Somalia

Madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaa qoraal cabasho ah u diray Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee UK Hon David Lammy, waxayna uga hadleen walaaca ay ka qabaan waxay ugu yeereen eexda dowladda Ingiriiska ee arrimaha siyaasadda Soomaaliya.

Qoraalkan ayaa lagu dhaleeceeyay Safiirka UK ee Soomaaliya, Mr Michael Nithavrianakis, inuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u oggolaaday inuu hadallo siyaasadeysan ka jeediyo, xilli uu ku jiray dabbaaldegga dhalashadii Boqorka Charles III ee lagu qabtay safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho.

Xasan Sheekh ayaa ku booriyay dawladda UK inay tallaabo ka qaado wuxuu ugu yeeray “qaswadayaasha” siyaasadda, ereygaas oo loo fasirtay inuu ula jeedo madaxda dowlad goboleedyada qaarkood iyo siyaasiyiinta ka soo horjeeda qorshihiisa doorasho.

“Inkastoo rajada doorasho qof iyo cod ay tahay wax lagu ammaano, haddana iyadoo aan la isku raacsanayn waxay wiiqaysaa horumarka Soomaaliya. Waxaana ka digaynaa in dadka dhaliila lagu tilmaamo qaswadayaal arrintaas waxay halis ku tahay inay dhaawacdo dadaallada dowlad-dhisidda Soomaaliya” ayaa lagu yiri bayaanka Jubaland iyo Puntland oo ay ku saxiixnaayeen siyaasiyiin iyo odayaal taageersan labada maamul.

Waxay ugu baaqeen UK inay ilaaliso dhexdhexaadnimada doorkeeda diblumaasiyadeed, iyaga oo carrabka ku adkeeyay in eexashada hogaamiye ama xisbi kasta ay ku xad gudbeyso madax bannaanida dalka. Waxayna ku booriyeen dawladda Ingiriiska inay ka fogaato falalka dublamaasiyadeed ee wax u dhimi kara sumcadda ay ku leedahay Soomaaliya.

Related posts

Madaxweyne Guudlaawe oo Guddoomiyay Shir arrin muhiim ah looga hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Rooble oo la kulmay bulshada ku dhaqan Balcad (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Abiy Ahmed oo Indhihiisa kusoo arkay abaaraha saameeyey degaanka Soomaalida (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---