Ciidamada Israel oo caruur & haween kale ku laayey degmada Rafax (Sawirro)

Ugu yaraan 44 falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay tobanaan kalena way ku dhaawacmeen duqeymo ay diyaaradaha Israa’iil ka geysteen xaafado badan oo ka tirsan Deir al-Balah ee bartamaha Gaza Sabtidii shalay sida uu sheegay dhakhtar ka tirsan Isbitaalka Shuhadada ee Al-Aqsa.

Dhakhaatiirta Isbitaallada Al-Aqsa iyo Al-Awda ayaa mar sii horreysay sheegay in ugu yaraan 30 qof la dilay.

Muuqaal laga helay Al-Aqsa ayaa muujinaya carruur dhaawac ah oo ka mid ah kuwa loola cararay si loogu dabiibo, iyo meydad maro ku duuban oo yaalla dabaqa isbitaalka, oo uu ku jiro ilmo dhintay.

Ciidamada difaaca Israa’iil ayaa sheegay in ay duqeeyeen “xarumaha taliska howlgallada iyo kantaroolka ee Xamaas” ee bartamaha Gaza. IDF ayaa sheegtay in diyaaradaheedu ay duqeeyeen bartilmaameedyada Xamaas ee xaafadaha Nuseirat iyo Deir al-Balah.

Sidoo kale, Laba duqeyn oo ay Israa’iil ka geysatay magaalada Rafah ee koonfurta Qaza ayaa lagu dilay ugu yaraan 13 Falastiiniyiin ah sida uu xaqiijiyey Dr. Marwan Al-Xoms, oo ah agaasimaha guud ee isbitaalka dowladda Abu Yousuf Al-Najjar.

Sida laga soo xigtay Al-Xoms, duqeyntii ugu horreysay ayaa ka dhacday waqooyiga Rafah, taasoo keentay dhimashada lix xubnood oo qoys ah oo ay ku jiraan haween iyo carruur. Shaqaaqadii labaad oo ka dhacday meel banaan ah oo ay dad barakacayaal ahi magan galeen ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan todobo qof, oo ay ku jiraan afar caruur ah, haweeney iyo nin iyo dhalinyaro.

Israa’iil ayaa ku andacoonaysa in ay Xamaas ku beegsanayso Rafah. Sabtidii, Isuduwaha Israa’iil ee maxaabiista iyo Gal Hirsch ayaa sheegay in milatariga Israa’iil ay sameynayaan “wax walba oo aan awoodno si aan uga fogaano waxyeellada suurtagalka ah.”

Tirada dadka lagu dilay Gaza tan iyo 7-dii Oktoobar ayaa gaartay 28,858, iyadoo 68,291 qof ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza.

Israa’iil ayaa dhinaceeda ku qiyaastay ilaa 10,000 oo dagaalyahannada Xamaas ah in la dilay tan iyo 7-dii Oktoobar.

- Advertisement -