Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Daawo Sawirada: Madaxweyne Farmaajo Oo Guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirrada Soomaaliya

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta guddoomiyay shirka golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Kulanka golaha wasiirrada ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xariira shaqooyinka ay qabtaan tubaha horumarinta arrimaha bulshada, Amniga iyo caddaaladda, siyaasadda loo dhanyahay iyo tubta horumarinta dhaqaalaha iyo shaqooyinka hor-tebinta leh ee u yaalla tubaha hawlaha lagu guulaystay qabashadooda.

Madaxwayne Farmaajo ayaa ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo xukuumadiisa ku ammaanay shaqada wanaagsan ee ay qaranka u hayaan isaga oo sheegay in wada shaqaynta wanaagsan ee madaxda qaranku ay sabab u tahay wanaajinta shaqada xukuumadda iyo taabba gelinta qorshaha qaranka.

Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo xukuumaddiisa kula dardaarmay in ay sii laba jibbaaraan shaqada ay u hayaan ummadda Soomaaliyeed si guul looga gaaro fulinta qorshayaasha qaranka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Fariisimo ay lahaayeen xoogag taabacsan Al-Shabaab oo lagu burburiyey howlgal

Caydiid Ali

Haweeney sabab yaab leh u dishay ilmo ay korsaneysay oo xukun adag lagu riday (Sawirro)

Caydiid Ali

Israel oo go’aan cusub ka soo saartay Muslimiinta Maraykanka ee dalkeeda booqanaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---