Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka Caddaaladda oo kormeer ku tagay xarunta hoggaanka baarista dembiyada

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda  Soomaaliya Mudane Xasan Macalin Maxamuud oo ay wehliyaan taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed, S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaa kormeeray xarunta hoggaanka baarista dembiyada ee Booliiska Soomaaliyeed.

Wasiirka oo si gaar ah u kormeeray waaxda sheybaarka baarista cilmiyeysan oo kamid ah tiirarka ugu waaweyn ee caddaaladda ayaa xog-wareystay saraakiisha ka howl-gala qeybaha kala duwan ee waaxdu ka koobantahay, oo uga warbixiyay baarisyada ay sameeyaan, awoodda qalabka ay ku shaqeeyaan, horumarka lagu tillaabsanayo iyo caqabadaha,

Kormeerka kadib, ayaa taliyaha booliiska Soomaaliyeed iyo taliyaha hoggaanka baarista dembiyadu waxay wasiirka war-bixin guud oo faah-faahsan ka siiyeen shaqada guud ee hoggaanka, iyo muhiimadda shaqada baaxadda leh ay u leedahay caddaaladda, garsoorka, xasiloonida iyo guud ahaan amniga dalka.

“Caddaaladdu waxay ka bilaabataa baaritaan hufan oo dhamaystiran oo eedaysanaha garsoorka lagu horgayn karo, sidaa darteed waa inaan xoojinaa baaritaanka si loo helo natiijo lagu kalsoonaan karo”, ayuu yiri wasiirka .

Wasiirka ayaa boggaadiyay guud ahaan taliska ciidanka Booliiska iyo gaar ahaan Hay’adda Dambi Baarista, waxa uuna uga mahad-celiyay shaqada adag ee lagu horumarinayo booliiska dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dad isku qoys ah iyo Wadaad Caan ahaa oo saakay ku dhintay Dagaalka Boosaaso

Cabdi Cade

(Akhriso Magacyada) Guddiga Badbaadada Doorashooyinka oo hogaan cusub doortay

Caydiid Ali

Maamulka Puntland oo soo saaray Digniin ku socota Shacabka Gobolka Bari

Cabdi Cade
Taboola Ads ---