Allbanaadir.com
NEWS

Danjire Cyprian Iringo oo dowladiisu u soo magacawday Soomaaliya (Sawirro)

Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda, ahna Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Kenya u fadhin doono Soomaaliya Mudane Cyprian Kupay Iringo.

Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) ayaa u rajeeyay danjirha cusub inuu ku guuleysto xilka cusub ee loo igmaday.

Danjire Cyprian Iringo ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay iyo in uu dalkiisa ku matali doono Soomaaliya, isagoo carabka ku adkeeyay inay ka go’an tahay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal ee deriska ah.

Labada dhinac ayaa sidoo kale xaqiijiyay inay ka shaqeynayaan sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan, sida amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

(Sawirro) Madaxweyne Biixi oo gaaray Boorama, xarigana ka jaray Mashruuc cusub

Caydiid Ali

Faah faahin laga bixiyay Kooxo Falal amaan daro ku howlanaa oo gacanta lagu dhigay 

Cabdi Cade

Ogeysiis Muhiim ah oo loo hayo Bulshada Soomaaliyeed ee kunool Qurbaha

Cabdi Cade
Taboola Ads ---