Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Faah faahin laga bixiyay Kooxo Falal amaan daro ku howlanaa oo gacanta lagu dhigay 

Ciidamada booliiska maamulka Puntland ayaa howlgalo saacadihii lasoo dhaafay ka sameeyeen xaafado katirsan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxa ay kusoo qabteen kooxo ku howlanaa falal amaan daro.

Taliska booliiska gobolka Bari ayaa sheegay in howlgalka ay ciidamada sameeyeen lagu soo qab qabtay dhalinyaro badan oo ku howlanaa falal amaanka lidi ku ah , waxaana dhalinyarada la qabtay qaarkood ahaayeen burcad dadka moobeelada ka dhaca.

Taliyaha qeybta Booliiska gobolka Bari G/sare Xuseen Cali maxamud ayaa Warbaahinta u sheegay in ciidamada qab qabteen kooxo falal amaan daro ku howlanaa, waxa uuna taliyaha xusay in howlgaladan ay sii socon doonaan inta amaanka laga xaqiijinayo.

Magaalada Boosaaso ayaa mudooyinkii dambe waxaa kusoo badanayay falal amaan daro ay geestaan kooxo burcad ah , waxaa sidoo kale magaalada xiliyada qaar ka dhaca qaraxyo iyo dilal qorsheesan ay geestaan kooxaha hubeesan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

https://youtu.be/9xsbc8aGzyU

Related posts

Warta Biyo qabadka Boondheere oo Dib u dhis lagu sameeyay Xarigana laga jaray (Sawirro)

Cabdi Cade

Eey madaxiisa la dul dhigay lacag si loo dilo oo ilaalo gaar ah loo sameeyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowladda oo ku guuleesatay in xabsiyada Hindiya laga soo daayo Soomaali ku xirneed(Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---