Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Museveni oo la kulmay taliyaha ciidanka xoogga dalka iyo waxii ay kawada hadleen

Madaxweynaha Dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa qasriga Madaxtooyada dalka uganda ku soo dhaweeyay taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas ibraahim Sheikh Muxudiin Caddow.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ibraahim Sheikh Muxudiin iyo Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Kaguta Museveni ayaa ka wada-hadlay dhismaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo taageerada dhanka howlgallada ah ee Soomaaliya ay ku doonayso in dalka ay kaga xureyso Al Shabaab.

Madaxweynaha Uganda ayaa taliyaha ciidamada milateriga Soomaaliya u ballan-qaaday inay Soomaaliya ka caawin doonaan dhan kasta, hadii ay ahaan laheed dhismo ciidan iyo tababarro joogta ah.

Waxa uu sidoo kale ballan-qaaday madaxweynaha dalka Uganda in ciidankiisa diyaar u yihiin  in Soomaaliya garab milateri ka siiyaan sidii dalka looga saari lahaa loogana adkaan lahaa kooxaha nabad diidka ah.

Dowladda Uganda ayaa kumanaan askari waxa ay ka joogaan qeybo kamid ah Soomaaliya, ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS ayaana muddooyinkii lasoo dhaafay wax door ah ku laheyn howlgalada dalka looga saarayo Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Itoobiya oo qaaday talaabo kale oo lagu xoojinayo heshiiskii ay la gashay TLPF

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta kusii jeeda magaalada …

Cabdi Cade

Howlgal daba dheeraaday oo weli ka socda agagaarka Hotel Maka Al-Mukarama (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---