Somalia & Turkiga oo kala saxiixday heshiis la xiriira dhinaca difaaca (Sawirro)

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Turkiga ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Difaaca ee dalkaas Yaşar Güler.

Kulanka Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo dhiggiisa Turkiga Yaşar Güler ayaa diiradda waxaa lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal, amniga gobolka iyo dagaalka al shabaab oo xilligaan ka socda gobollada dalka.

Sidoo kale Wasiir Nuur iyo Wasiir Güler ayaa kala saxiixday heshiis taariikhi ah ee Difaaca iyo Dhaqaalaha oo sii xoojin doono amniga Soomaaliya iyo kan Gobolka, kaasoo ka dhacay xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga ee Turkiga.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo ka hadlay kulankaan ayaa dowladda Turkiga ugu mahadceliyay kaalmada walaalnimo ee hagar la’aaneed ee mar walba Shacabka iyo Dowlada Soomaaliyeed la garab taagan yihiin.

 

- Advertisement -