Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada dowladda oo weerar ku qaaday guriga Xildhibaan Xaadoole iyo dagaal socda

War goordhaw kusoo dhacay warqabadka Shabakadda Allbanaadir ayaa sheegaya in dagaal uu ka socdo aaga guri uu degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ka degan yahay xildhibaan katirsan golaha Shacabka.

Sida aan wararka ku helnay ciidamo isugu jira booliiska iyo kuwa xasillinta ayaa weerar ku qaaday guriga xildhibaan Cismaan Xaadoole, kaddib markii ay halkaasi galeen kooxo la sheegay in ay dambiilayaan ahaayeen ayna kudaba jireen ciidamada ammaanka.

Dagaalka u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa ilaalada ka ah guriga xildhibaan Xaadoole ayaa wali socda, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in ay jiraan khasaarooyin labada dhinac kasoo gaaray .

Rasaas goos goos ah ayaana wali laga maqlayaa aaga uu ku yaallo guriga xildhibaan Cismaan Xaadoole, labada dhinac ayaana kala helaya gurmadyo uga imaanaya magaalada qeybaheeda kala duwan.

Waxii warar ee kusoo kordha dagaalka kala soco wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hey’ad caalami ah oo ka digtay Halis ku soo wajahan qeybo ka mid ah Somalia

Caydiid Ali

Masjidyo kuyaala magaalo katirsan Dalka Itoobiya oo la gubay 

Cabdi Cade

Qarax dhacay Warshad ku taalla Magaalada Hapur & dad badan oo ku dhintay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---