Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Itoobiya oo gacanta ku dhigay fuustooyin Shidaal ah oo laga qaaday Jubbaland

Ciidamada milatariga dalka Itoobiya ayaa gacanta ku dhigay fuustooyin badan oo shidaal ah oo la galiyay gudaha dalkaasi, waxaana sidaalkaasi laga qaaday deegaan katirsan maamulka Jubbaland.

War kasoo baxay ciidamada Itoobiya ayaa lagu sheegay in ay qabteen gaari waday 30-fuusto oo shidaal ah oo Soomaaliya laga qaaday, waxaana shidaalkan ciidamada ku qabteen deegaan katirsan gobolka Afdheer.

Gaariga shidaalka waday ayey qabteen ciidamada dalka Itoobiya xilli meeshii uu u waday u jiray 49-km, waxa ayna sheegeen saraakiisha ciidanka in shidaalka iyo gaarigii lagu waday gacanta ku hayaan ayna baaris ku wadaan.

Sargaalka hoggaaminayay ciidanka qabtay shidaalka Soomaaliya laga qaaday ayaa sheegay in shidaalkan uu sabab u noqon karay sicir barar dhinaca shidaalka ah oo ka dhaca gudaha Itoobiya sida uu tilmaamay.

Dalka Itoobiya ayaa la geeyaa agabyo kala duwan oo laga qaado gudaha Soomaaliya, alaabahaasi qaarkood oon fasax loo heysan ayaa gudaha Itoobiya loo galiyaa sifooyin sharci-darro ah .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Abiy Axmed oo Shaaciyay in Ajaaniib badan qeyb ka yihiin duulaanka cusub ee TPLF

Cabdi Cade

War-murtiyeedka laga soo saaray Shirka Dalalka Ciidamadu ka joogaan Somalia iyo Dowladda Federaalka (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

DEG DEG: Guddoomiyihii Baarlamanka Puntland oo xilkii laga qaaday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---