Wasiirada Arimaha Dibadda Itoobiya iyo Eritrea oo soo gaaray Muqdisho (Daawo Sawirada)

Waxaa goordhaw garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi ay hogaaminayaan Wasiiradda Arrimaha Dibada Dalalka Itoobiya iyo Eritrea Dr. Workneh Gebeyehu iyo Cusmaan Saalax.

Wafdigan ka socda Wadamada Itoobiya iyo Eritrea waxaa garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowlada Federaalka.

Wasiirada Arimaha Dibadda dowladaha Itoobiya iyo Eritrea ayaa inta ay joogaan magaalada Muqdisho waxa ay kulamo la qaadan doonaan Madaxda ugu sareysa dowlada Federaalka Soomaaliya .

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in wafdigan ka socda dowladaha Soomaaliya iyo Eritrea ay horu dhac u yihiin socdaal ay Muqdisho ku imaanayaan Madaxda dowladaha Itoobiya iyo Eritrea, mana jiro ilaa hada wax war ah ay dowlada Somalia arimahan kasoo saartay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -