Ciidamada Amaanka oo maanta ku xadgudbay Xildhibaano iyo Dacwad laga gudbiyay

Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa maanta inta badan xiray wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, waxaana sababta wadooyinka loo xiray lagu sheegay in magaalada imaanayeen Wafdi ka socda dowladaha Itoobiya iyo Eritrea.

Xirnaashiyaha wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa saamneyn waxa ay ku yeelatay qaar kamid ah Xildhibaanada golaha Shacabka kuwaa oo loo diiday in ay maraan wadooyinka sidoo kale qaarkood handadaad loo geestay.

Xildhibaan katirsan golaha shacabka ayaa sheegay in maanta ciidamada amaanka halis galiyeen noloshiisa ayna qoray ku taageen , waxa uuna sheegay Xildhibaankan in ciidamada amaanka si fool xun uusan horey u arag maanta ula dhaqmeen.

Qaar kamid ah Xildhibaanada maanta dhibaatada kala kulmay ciidamada amaanka oo ay kamid yihiin Xildhibaan C/ Fitaax Ismaaciil Daahir, C/Qaadir Maxamuud Cismaan, Mahad M Salaad  iyo Axmed Fiqi ayaa dacwad u gudbiyay Gudoonka Golaha Shacabka.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ka hadlay dacwada ciidamada amaanka laga soo gudbiyay ayaa ugu baaqay ciidamada in ay ilaaliyaan sharafta iyo xasaanada ay leeyihiin Xildhibaanada.

Maxamed Mursal ayaa ka codsaday guddiyada amniga iyo difaaca Golaha Shacabka inay baaritaan dhab ah ku sameeyaan Xildhibaanada maanta ay ku xadgudbeen ciidamada amaanka ee xiray wadooyinka Muqdisho.

Ciidamada amaanka ayaa mararka qaarkood is hortaag ku sameeya Xildhibaanada iyo masuuliyiinta kale ee dowlada, waxa ayna ciidamada ku andacoodaan in taliyaashooda ku amreen in aysan cidna fasaxin marka ay jidadka xiran yihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -