Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Daawo Sawirada: Laamiga Maka Al Mukarama oo maanta Cidlo ah iyo sababta keentay

Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa maanta xiray qaar kamid ah wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, waxa ayna ciidamada wadooyinka qaar u diideen in gaadiidka isticmaalaan.

Wadooyinka xiran ee Muqdisho waxaa kamid ah laamiga Maka Al Mukarama oo ahaa laami aad u mashquul badan, waxaana hada laamiga u muuqdaa mid cidlo ah aysan isticmaaleyn gaadiidka Shacabka.

Ciidamo badan oo isugu jira booliis iyo Nabad sugid ayaa wadooyinka qaar lasoo dhigay, waxaana maanta sare loo qaaday xaqiijinta dhinaca amaanka gaar ahaan goobo gaar ah oo Muqdisho katirsan.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya sababaha maanta loo xiray wadooyinka Muqdisho in ay tahay wafdi sare oo ka socda dowladaha Itoobiya iyo Eretria oo imaanaya magaalada Muqdisho.

Wafdiga ka socda dowladaha Itoobiya iyo Eritrea ayaa wararka soo baxaya sheegayaan in ay hogaaminayaan Wasiirada Arimaha dibada wadamadaasi  lamana oga ilaa hada ujeedka socdaalka ay Muqdisho ku imaanayaan wafdiga ka socda dowladaha Itoobiya iyo Eritrea.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Mukhtaar Roobow oo Xabsiga laga sii deynayo iyo Madaxeynaha Koonfur Galbeed oo…

Cabdi Cade

Dowlada Federaalka oo 6 Milyan Dollar oo Deeq ah u fasaxday Maamul goboleedyada (Akhriso)

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Goob fagaare ah uga jawaabay Su’aalo Shacabka weeydiiyeen

Cabdi Cade
Taboola Ads ---