Dowlada Federaalka oo 6 Milyan Dollar oo Deeq ah u fasaxday Maamul goboleedyada (Akhriso)

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa mudo kadib u fasaxday maamul goboleedyada dalka ka jira iyo maamulka Gobolka Banaadir lacago deeqo ah oo dowlada ka heshay Midowga Yurub.

Wasaaradda Maaliyadda Dowlada Soomaaliya ayaa Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir u fasaxday lacag gaareysa 6 milyan oo dollar, lacagtan ayaana ah deeq Midowga Yurub ugu tala galay kabida Miisaaniyadda.

Lacagtan deeqda ah ayaa Wasaarada Maaliyada Xukuumada Soomaaliya lix malyan oo kamid ah u qoondeesay in loogu deeqo maamul govoleedyada iyo Gobolka Banaadir, waxaana maamul walba heli doonaa Hal malyan oo dollar.

Waxaa lacagtan la siinayo maamulada intooda badan loogu tala galay in wax looga qabto arimaha bulshada iyo amniga, waxaana Wasaarada maaliyada ku wargalisay wasaaradaha maaliyada maamulada in ay soo qortay codsiga lacagtan iyo waxa lagu qabanayo.

Talaabadan dowlada federaalka lacagaha ugu fasaxday maamul govoleedyada ayaa kusoo aadeysa xili Adis Ababa shir ugu soo dhamaaday Wasaaradda Maaliyadda dowlada Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir .

- Advertisement -