Nin kufsi iyo dil arxan daro ah isugu daray gabar Lix sano jir ah oo la daldalay

Dowlada Pakistan ayaa daldashay Imran Cali oo lagu helay in kufsi iyo dil isugu daray gabar lix sano jir ah, waxaana xukunka daldalaada ah ee ninkan lagu fuliyay soo dhaweeyay qoyska gabadha uu dilay .

Ninkan la daldalay oo 24-sano jir ahaa ayaa kufsaday kadibna si xun u dilay bishii janaayo ee sanadkan Zainab Ansari oo lix sano jir aheyd, waxaana meydka gabadhan yar laga helay meyl cidlo ah oo qashinka lagu daadiyo.

Kufsiga iyo dilka loo geestay gabadhan yar ayaa dhaliyay caro iyo banaan baxyo waa weyn oo ka dhacay dalka Pakistan, waxa ayna ciidamada booliiska baaritaano kadib ku guuleesteen in ay soo qabtaan ninkii falkan ka dambeeyay.

Gabadha la dilay iyo xubno qoyskiisa kamid ah ayaa goob joog ka ahaa goobta Imran Cali lagu daldalay oo aheyd xabsiga Kot Lakhpat ee magaalada Lahore, waxa ayna xubnaha Qoyska Zainab aad ugu farxeen in la dilo ninkii gabadhooda dilay.

Amin Ansari oo ah aabaha gabadha sida xun loo dilay ayaa sheegay in uu hada qanacsan yahay hadiiba nolosha la dhaafiyay arxan laawihii gabadhiisa dilay, waxa uuna sheegay in uu jeclaa in Tv-ga laga sii daayo daldalaada ninkaasi lagu fuliyay.

Aabahan ayaa ku guul dareestay dalab uu ku doonayay in daldalaada Imran Cali toos looga daawado telefishinida Pakistan, waxaana dalabka aabahan diiday Maxkamada sare ee magaalada Lahore.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -