Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Al Shabaab oo sheegatay Masuuliyada dil ka dhacay magaalada Muqdisho

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa xalay magaalada Muqdisho waxa ay ku dileen nin ay ku eedeeyeen in uu kamid ahaa Ergooyinkii soo doortay Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya.

Al Shabaab ayaa sheegatay in dagaalyahanadooda ka dambeeyeen dil degmada Wadajir loogu geestay Maxamed Cali Feeldheer, War kasoo baxay Al Shabaab ayaana lagu sheegay in ninkan kamid ahaa Ergadii Xildhibaanada kusoo dooratay Cadaado.

Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya ayaa gaaray goobta lagu dilay Maxamed Cali Feeldheer, waxaana goobta dilku ka dhacay inta aysan ciidamadu gaarin isaga baxsaday ragii dilkaasi fuliyay.

Al Shabaab ayaa marar badan sheegatay masuuliyada dilal loo geestay xubno kamid ahaa ergooyinkii Xildhibaanada Golaha Shacabka kusoo doortay xarumaha maamul goboleedyada dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax Khasaaro uu kasoo gaaray dad Shacab ah oo ka dhacay Duleedka Baraawe

Cabdi Cade

DF oo wafdi u dirtay Magaalo ay ka jirto dhibaato culus (Sawirro)

Caydiid Ali

Dhulgariir ka dhacay xeebaha Mareykanka & dignin laga bixiyey Tsunami (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---