Muhaajiriin ay Soomaali ku jiraan oo diiday in ay ka degaan Markab soo bad baadiyay

Markab nuuca xamuulka qaada oo watay calanka dalka Panama ayaa dhawaan badda Mediterranean-ka kasoo bad baadiyay Muhaajiriin halis ugu jiray in ay geeriyoodaan, kadib markii cilad ku timid doon ay la socdeen muhaajiriintaasi.

Muhaajiriinta la bad baadiyay ayaa filayay in Markabka uu geyn doono dal Yurub kuyaala gaar ahaan Jaziirada Malta balse Marakbka ayaa muhaajiriinta keenay dekada Misrata ee dalka Liibiya.

Inta badan Muhaajiriintii lasoo bad baadiyay ayaa diiday in ay ka degaan Markabka, waxa ayna sheegeen in ay dhimasho ka jeclaan lahaayeen intii dib loogu celin lahaa dalka Liibiya ay kala soo kulmeen silac iyo saxariir daran.

Telefishinka Al Jazeera ayaa baahiyay in Markabka kaliya ka dageen dhoor qof oo isugu jiray caruur aan lala socon iyo sidoo kale haweeney cunug yar wadatay kuwaa oo la geeyay xabsi kuyaala Misraata.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in qaxootigan lasoo bad baadiyay ay u kala dhasheen dalalka Soomaaliya, Itoobiya, Eritrea, Suudaanta Koonfureed, Pakistaan iyo Bangaladheesh.

“Sidey ku dhici kartaa inaad i dhahdaan ka dag markabka oo Liibiya iska joog?, Liibiya waxa asilac loogu dilay walaalkey iyo saaxiibadey ,waan oggolnahay inaan aadno meel walba oo kale, laakiin Liibiya ma rabno” ayuu yiri mid kamid ah Muhaajiriinta Markabka saaran.

Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegtay inaan loo baahneyn in dadka lasoo badbaadiyay lagu khasbo iney Liibiya ku laabtaan, waxa ayna Hay’adu sheegtay in aan qofna lagu qasbi karin meel noloshiisa halis ku galeyso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -