War Cusub oo kasoo kordhay magacaabistii Guddiga doorashada Koonfur Galbeed

Waxaa saakay si weyn Warbaahinta loogu baahiyay qoraal la sheegay in uu kasoo baxay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/qaadir Shariif Sheekuna oo lagu magacaabay Guddiga doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

C/qaadir Shariif Sheekuna oo maanta Shir jaraa’id qabtay ayaa been abuur ku tilmaamay magacaabista Guddiga doorashada, waxa uuna sheegay in aysan jirin wax guddi ah uu magacaabay.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed in warqada la baahiyay ay tahay mid la been abuuray, waxa uuna cadeeyay in shaabada iyo saxiixa warqada saaran aysan aheyn mida xafiiskiisa laga isticmaalo.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in uu soo magacaabi doono guddi doorasho oo sax ah, balse magacaabistan been abuurka ah ay aheyd mid qal qal lagu abuurayo.

Waqrada lagu baahiyay Warbaahinta iyo baraha bulshada ayaa waxaa ku qornaa magacyada Xildhibaano aad ugu dhaw Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan kana mid ah xubnaha ololaha xoogan u wada Shariifka.

Magaalada Baydhabo oo ah xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta si weyn looga dareemay saameynta ay yeelatay warqadan lagu tilmaamay been abuurka ee lagu qoray magacyada Xildhibaano lagu sheegay Guddiga doorashada.

Doorashada Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu wadaa in magaalada Baydhabo ka dhacdo  17-da bisha November ee sanadkan, waxaana wali aan la magacaabin Guddigii doorashadaasi qaban qaabin lahaa.

Halkan ka AKhriso Warqada lagu baahiyay Warbaahinta

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -