Allbanaadir.com
NEWS

Max’ed Nuur Aadan oo isku soo dhiibay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya

Maxamed Nuur Aadan oo 6-dii Sano ee la soo dhaafay ka mid ahaa al shabaab ayaa maanta isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga, gaar ahaan guutada 14-ka October.

Maxamed ayaa 2017-ka waxa uu al shabaab kaga biiray degmada Buur-hakaba ee gobolka  Baay, isagoo intaas ka dib noqday Darawal iyo Farsamayaqaan Cilad bixiya gaadiidka ay isticmaalaan al shabaab.

Sidoo kale, Maxamed Nuur ayaa Intii uu ka tirsanaa al shabaab wuxuu ka soo shaqeeyay gobollada Jubooyinka, Hiiraan, Baay iyo Shabeellaha Hoose.

Sida uu sheegay inuu soo gaba-gabeeyo Safarkiisa al shabaab waxaa ku kaliftay Nolosha adag ee ay Xiligan wajaheyso kooxdaas iyo Cadaadiska ay ku hayaan ciidamada xoogga dalka.

Isasa soo dhiibista Maxamed Nuur Aadan ayaa ku soo beegmaysa xilli ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay gobollada dalka ka wadaan dagaal ka dhan ah al shabaab kaasoo uu ku baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

Related posts

Xuutiyiinta Yemen oo weerar culus ku qaaday Markabka M/V Verbena iyo Khasaaro ka dhashay

Cabdi Cade

Jeneraal katirsanaa Milatariga Soomaaliya oo saakay lagu dilay Muqdisho

Cabdi Cade

Muuse Biixi oo xilka ka qaaday Gudoomiyaal gobol kuwa cusubna Magacaabay (Wareegto)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---