Jeneraal katirsanaa Milatariga Soomaaliya oo saakay lagu dilay Muqdisho

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa saakay xaafada Siisii ee degmada Dayniile waxa ay ku dileen Jeneraal Cabdullahi Xusen Wardheere ( Waran ) oo katirsanaa saraakiisha milatariga Soomaaliya gaar ahaan kuwa ka shaqeeya wasaaradda gaashaandhigga.

Sida aan wararka ku helnay sargaalka ayaa la toogtay xilli uu hilib ka iibsanayay miis hilibka lagu gado, waxaana dilay dhallinyaro biskoolado watay, kuwaa oo la sheegay in shan xabbadood madaxa uga dhufteen.

Kooxdii dilka geesatay ayaa goobta si degdeg ah uga baxsatay, waxaana la sheegay in ay horey usii qaateen biskoolad uu watay jeneraalka ay dileen , waxaana daqiiqado kaddib goobta gaaray ciidamo katirsan dowladda.

Sida aan wararka ku helnay ciidamo katirsan milatariga oo ka baxay wasaaradda gaashaandhigga ay tageen goobta uu dilku ka dhacay, waxa ayna halkaasi ka xireen dad goobta ku sugnaa xilliga uu dilku dhacayay.

Degmada Dayniile gaar ahaan aaga saakay lagu dilay sargaalkan ayaa horey loogu dilay dad badan oo isugu jiray askar iyo dad kale oo shacab ah, mana jiraan inta badan cid loo qabtay diallkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -